Thursday, August 27, 2026

Muslimiinta Koonfurta Mareykanka Oo Wajahayaan Mowjado Hadallo Nacayb Ah Oo Xooggan

Share

Texas, United States – Muslimiin badan oo ku nool koonfurta Mareykanka ayaa sheegaya in si toos ah loo bartilmaameedsanayo, iyadoo ay sii kordhayaan hadallo nacayb ku saleysan oo ka dhan ah Muslimiinta. Arrintan ayaa ka dhalatay isbeddellada dadweynaha, siyaasadaha amniga qaranka, iyo mowqifyada siyaasadeed ee is khilaafsan, gaar ahaan kuwa ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Warbixin ay soo saartay New York Times ayaa iftiimisay sida wadahadalkan siyaasadeed oo saameynayo bulshada Muslimiinta ah ee Koonfurta Mareykanka, kuwaas oo sii kordhinaya walaacooda, gaar ahaan marka la eego xiisadaha caalamiga ah ee ku xeeran Iiraan iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee ballaaran ee Mareykanka.

Warbixinta ayaa shaacisay in arday Muslimiin ah ka mudaaharaadeen soo jeedinno sharci dejin oo kala duwan, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira shuruudaha luqadda, ereybixinta la xiriirta khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, iyo walaac ballaaran oo ku saabsan eexda diinta.

Mudaaharaadka, oo ay soo qabanqaabisay Golaha La-talinta Islaamka ee Mareykanka ayaa ka tarjumaya waxa wargeysku ku tilmaamay dhaqdhaqaaq sii xoogeysanaya oo ka dhex socda Muslimiinta Mareykanka, iyagoo ka falcelinaya mowjado nacayb ah oo la sheegay inay sii kordheen tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii 9,11, 2001.”

Read more

Local News