Tokiyo, Japan – Japan ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday inay qaadday xayiraaddii saarneyd dhoofinta hubka Militariga ah, taasoo ah isbeddel weyn oo ku yimid siyaasaddeeda difaac ee nabadeed ee ay ku dhaqmeysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka 1945, iyadoo ujeedadu tahay xoojinta warshadaha milatariga iyo ballaarinta iskaashiga ay la leedahay dalalka ay la saaxiibka tahay.
Afhayeenka dowladda Japan, Minoru Kihara, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in la sameeyay wax ka beddel kooban oo lagu sameeyay saddexda mabd’a ee wareejinta qalabka iyo tiknoolajiyadda difaaca iyo xeerarka la xiriira, isagoo intaa ku daray in hadda ay suuragal tahay, mabda’ ahaan, in la dhoofiyo qalabka difaaca.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Japan, Sanae Takaichi, ayaa sheegtay in Japan ay tahay inay dabciyso xayiraadaha saaran dhoofinta hubka, si loo xoojiyo difaaca qaranka, isla markaana loo taageero warshadaha hubka ee gudaha si ay u noqdaan matoor kobaca dhaqaalaha.
Waxay sidoo kale ku caddeysay qoraal ay ku baahisay barta “X” in horey dhoofinta alaab dhammeystiran oo gudaha lagu sameeyo ay ku koobneyd howlaha samatabbixinta, gaadiidka, kormeerka iyo ka saarista miinooyinka, balse wax ka beddelkan kadib ay suurtagal noqon doonto in la dhoofiyo dhammaan qalabka difaaca.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, ansixinta Golaha Wasiirrada Japan ee tilmaamaha cusub ayaa meesha ka saartay caqabadihii ugu dambeeyay ee hortaagnaa dhoofinta hubka Japan tan iyo xilligii dagaalka ka dib. Go’aankan ayaa yimid iyadoo Japan ay dardargelinayso xoojinta awooddeeda milatari, si ay uga hortagto caqabadaha amni ee sii kordhaya ee gobolka.

