Niamey, Niger – Mareykanka ayaa ku deeqday qalab ciidan oo lagu qiimeeyay $2.3 milyan oo dolar ciidamada dalka Niger, si looga taageero dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo ururrada argagixisada.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Niamey, deeqdan oo la gaarsiiyay ayaa ka koobneyd sagaal konteenar oo ay ku jireen dhar ciidan, qalab difaac iyo agab caafimaad.
Tallaabadan ayaa muujineysa in Washington ay weli sii waddo taageerada amniga ee gobolka Saaxil, inkastoo ay xumaadeen xiriirrada ay la leedahay qaar kamid ah dowladaha gobolka.
Niger, oo ay la deris yihiin Mali iyo Burkina Faso, ayaa muddo sanado ah wajahaysay weerarro ay geystaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ururro kale oo hubeysan.
Mareykanka ayaa hore uga hawlgalayay saldhig weyn oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ku yaallay Niger, balse waxaa la xiray sanadkii 2024 kadib markii dowladda Niger ay dalbatay bixitaanka ciidamada Mareykanka.

