Friday, August 28, 2026

Dab ka kacay Qaza Oo sababay Dhimashada Saddex Qof

Share

Gaza – Dab ka  kacay magaaladda qaza  ayaa sababay dhimashada ugu yaraan saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Qaza Talaadadii maanta sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in ugu yaraan saddex qof ay dhinteen afar kalena ay dhaawacmeen markii duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku dhufatay gaari ku sugnaa bariga Deir Al-Balah oo ku taal bartamaha Marinka Gaza.

Waxay intaas ku dareen in weerar kale oo hore oo maanta ah lagu dilay hal qof mid kalena lagu dhaawacay magaalo u dhow Zawayda, halka rasaasta Israa’iil ay ku dishay hal nin waqooyi-galbeed Khan Younis, koonfurta deegaanka.

Milatariga Israil ayaan kahadlin labadii dhacdo ee maanta.

Read more

Local News