New York, US – Wasiirka Arrimaha Dibadda Bangladesh, Khalilur Rahman, ayaa loo doortay guddoomiyaha kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kadib markii uu ka guuleystay musharraxii Qubrus, Andreas Kakouris.
Doorashada ayaa lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, halkaas oo dalalka xubnaha ka ah ururka ay codkooda ku dhiibteen.
Rahman ayaa helay 99 cod, halka musharraxii la tartamayey uu helay 91 cod. Waxa uu xilka la wareegi doonaa 8-da Sebtembar, isagoo hayn doona muddo hal sano ah.
Khudbaddiisii ugu horreysay kadib doorashadiisa, Rahman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay wajahaysa caqabado sii kordhaya oo ay ka mid yihiin colaadaha iyo dagaallada ka socda dunida.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in dunidu ay sidoo kale la tacaalayso sinnaan la’aan iyo dhibaatooyin la xiriira isbeddelka cimilada.
Guddoomiyaha hadda xilka haya, Annalena Baerbock, ayaa u hambalyeysay Rahman, iyadoo sheegtay in khibraddiisa diblomaasiyadeed ay ka caawin doonto gudashada xilkan.

