Johannsburg, South Africa – Booliska Koonfur Afrika ayaa shaqada ka eryay Richard Shiburi, oo hore u ahaa madaxa waaxda dambiyada abaabulan ee Adeegga Booliska Koonfur Afrika “SAPS”.
Richard Shiburi ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay falal dhaawacaya sumcadda hay’adda, oo ay ku jirto xiriir uu la yeeshay qof lagu tilmaamay dambiile.
Xil ka qaadistan ayaa timid xilli ay socdaan baaritaanno ballaaran oo lagu eegayo musuqmaasuqa iyo xiriirka ka dhex jira saraakiisha booliska iyo shabakadaha dambiyada abaabulan.
Intii lagu guda jiray baaritaanka, Shiburi ayaa qirtay inuu helay amaah lacageed oo ka timid qof lala xiriirinayo dambiyo abaabulan, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan baahida lacagtaas.
Inkasta oo shaqada laga eryay, Shiburi ayaa weli la filayaa inuu ka hor muuqdo guddiga baaritaanka ee sii wada dabagalka eedeymahan.

