Thursday, August 27, 2026

Putin Oo Diiday Kulan Toos Ah Oo Uu La Yeesho Zelensky

Share

Moscow, Russia – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay inuusan xilligan u arkin wax faa’iido ah oo ku jirta kulan toos ah oo uu la yeesho Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Putin ayaa hadalkan ka sheegay madal dhaqaale oo ka dhacday magaalada St. Petersburg, maalin kadib markii Zelenskyy uu warqad ku dalbaday kulan dhex mara labada hoggaamiye si loo soo afjaro dagaalka socda.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in la gaaro heshiisyo iyo xalal ay soo diyaariyaan khubaradu, ka hor inta aan la qaban kulan heer madaxweyne ah.

Sidoo kale, Putin ayaa ku adkeystay in Ruushku sii wadi doono howlgalka militari ilaa laga gaarayo ujeeddooyinka uu dagaalka u galay, isagoo sheegay in warqadda Zelenskyy aysan muujinayn rabitaan dhab ah oo wada-hadal.

Dhankiisa, Zelenskyy ayaa sheegay in jawaabta Putin ay muujineyso inuusan dooneyn inuu soo afjaro dagaalka.

Read more

Local News