Johannesburg South Africa – Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan wajigooda  ayaa weerar ku qaaday deegaan u dhow Johannesburg waxayna toogasho ku dileen 12 qof, iyagoo dhaawacay sagaal kale.
Weerarkaan oo  ka dhacay aaga lagu magacaabo Cleveland, oo qiyaastii lix kiiloomitir ujirta bartamaha magaalada Johannesburg
Afhayeen u hadashay booliiska ayaa sheegtay  in Sideed rag ah iyo saddex dumar ah ay ku  dhinteen goobta uu falka kadhcay
Qof kale ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka. Iyadoo lacadeyn sababta keentay  weerarkaan ayuu usheegay warbaahinta  Kornayl Dimakatso Nevhuhulwi.
Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen baadigoob ay ku raadinayaan in ka badan 10 qof oo looga shakisan yahay weerarkii ka dhacay deegaanka aan rasmiga ahayn ee Jumpers.
Koonfur Afrikaayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu dilalka badan caalamka, iyadoo celcelis ahaan la diiwaan geliyo malintii in ka badan 60 dil. Dalkaas oo kubadan  hub sharci ah iyo kuwa sharci darro ah, toogashadana waa wax caadi ah, oo inta badan ay sababaan xafiiltanka kooxaha burcadda ah iyo tartanka u dhexeeya ganacsiyada aan rasmiga ahayn.

