Baydhabo, Soomaaliya – Doorashada hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed oo maanta ka qabsoontay madaxtooyada magaaladda Baydhabo, doorashadaan oo aheyd mid si weyn isha loogu hayay ayaa aheyd mid ka duwan doorashooyinkii horay looga bartay maamulada ka jira dalka.
Doorashada oo aheyd mid ay ku tartamayeen saddex murashax oo ka kala socda saddex xisbi siyaasadeed ayaa soo gabagabowday maanta oo Arbaco ah iyadoo ay hoolka doorashada xaadireen laba murashax oo kala ah Cabdicasiis Maxamed Jawaari iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Cabdicasiis Jawaari ayaa helay hal cod oo kamid ah codadka 90 mudane oo kamid ah 95 ka xildhibaan ee golaha wakiilada Koonfurgalbeed, halka murashax Sheekh Aadn Madoobe uu helay 88 cod oo kamid ah codadka 90 xildhibaan oo codeeyay halka uu halaabay hal cod oo kale.
Murashaxii sadexaad Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan tagin hoolkii doorashada isagoo sheegay inaan la tixgelin warqadihii, awaamiirtii iyo tilmaamihii sharci ee ay hore u soo saareen guddiga doorashooyinka, kuwaas oo laf dhabar u ahaa xaqiijinta doorasho hufan, daah-furan, cadaalad ah, isla markaana lagu wada kalsoonaan karo.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ahaa gudoomiyihii golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya kahor doorashada hogaamiyaha Koonfurgalbeed ee uu hadda ku guuleystay, Aadan ayaa halgan u galay sidii uu u noqon lahaa hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed isagoo tan iyo bishii April kusugnaa magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfurgalbeed iyo degmooyin ay ka mid tahay Buurhakaba oo uu gaaray mar kamid ah mudada uu ku guda jiray u halgamida kursiga ugu sareeya Koonfurgalbeed.
Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu dhaariyay isla goobtii doorasahada isagoo noqonaya hogaamiyaha rasmiga ah ee Koonfurgalbeed shanta sano ee soo socota.
Masuuliyiin heer federaal ah oo ay kamidyihiin wasiiradda arrimaha dibadda, gudaha, dakadaha iyo gaadiidka badda, isgaarsiinta iyo teknoolojiyada iyo qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa goobjoog ka ahaa doorashada ka qabsoontay Koonfurgalbeed.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 30 kii March ee sanadkaan magaaladda Baydhabo ka saartay maamulkii katalinayay todobadii sano ee u dambeesay iyadoo durba bilowday qorshaha qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dooneyso inay ka qabato dalka.
Masuuliyiin ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray hogaamiyaha la doortay ee Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaa sidoo klae hambalyeey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo kuxigeenka madaxweynaha Galnudug.

Maamulkii meesha laga saaray ee madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen hogaaminay oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Nairobi ayaa kasoo horjeestay doorashada dowladda federaalka kaqabaneyso Koonfurgalbeed iyadoo madaxweyne hore Laftagareen lagu xusay shirkaas jaraa’id inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka aysanna sharci aheyn doorashada ka dhacday Baydhabo.
Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha oo dardar kuwaday howlaha doorasho ee Koonfurgalbeed ayaa 10kii May ee bishii lasoo dhaafay ka qabtay doorashooyin isku sidkan oo golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ah 13 degmo oo katirsan degmooyinka Koonfurgalbeed, iyadoo 30kii May ladhaariyay 95ka xubnood ee golaha wakiiladda Koonfurgalbeed, halka Khamiistii 04ta June laqabtay doorashada gudoonka baarlamaanka maamulka Koonfurgalbeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dardar kuwada qorshaha qabashada doorashada qof iyo cod ayaa maanta soo gabagabeesay doorashada maamulka Koonfurgalbeed iyadoo wixii hadda ka dambeeya diirada saari doonto maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Doorashada ka qabsoontay Koonfurgalbeed ayaa iba fur u’ah doorashooyin kaduwan kuwii horay uga dhici jiray maamuladda iyadoo noqoneysa markii ugu horeesay ee laqabto doorasho ay xildhibaano cod shacab ku yimid ku doortaan hogaamiyaha maamulkaas si lamid ahna uu dhaqangal ku noqday dastuurkii ay dhawaan ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya kaas oo dhigayay in qofka madaxweynaha ka ah maamul goboleedka loogu yeero hogaamiye badalkii la dhihi lahaa madaxweyne.

