Thursday, August 27, 2026

Iiraan Oo Ku Dhawaaqday Xiritaanka Marinka Hormuz

Share

Tehran, Iran – Iiraan ayaa subaxnimadii Khamiista ku dhawaaqday inay xirtay Marinka Hormuz ee isu socodka maraakiibta, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay duqeymo Mareykanku ka fuliyay dalkaas.

Militariga Iiraan ayaa sheegay in mamnuucistu ay khuseyso dhammaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka, isla markaana lagu weerari doono rasaas haddii ay isku dayaan inay gudbaan.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in marinka uu sii xirnaan doono “illaa amar dambe,” iyagoo Mareykanka ku eedeeyay jebinta xabbad-joojin iyo weerarro gardarro ah oo isdaba joog ah.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa si adag u beeniyay sheegashada Iiraan, isagoo sheegay in Marin Biyoodka uu si caadi ah u shaqeynayo, isla markaana aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid socodka maraakiibta.

Xiisaddan ayaa sii korortay kadib weerarro is-daba joog ah oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, kuwaas oo sii hurinaya xaaladda gobolka.

Read more

Local News