Tehran, Iran – Malaayiin qof ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan aaska qaran ee hoggaamiyihii sare ee Iran, Ali Khamenei, kaas oo socon doona muddo lix maalmood ah.
Xukuumadda Iran ayaa sheegtay in munaasabadda aasku ay muujin doonto midnimada shacabka, adkeysiga dalka iyo awooddiisa, iyadoo diyaar-garow ballaaran laga sameeyay Tehran.
Sanduuqa meydka Khamenei ayaa lagu soo bandhigay munaasabad gaar ah, halka waddooyinka magaalada lagu qurxiyay boorar iyo calamo ay ku qoran yihiin halku-dhegyo dhiirrigelinaya shacabka.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa ku tilmaamay aaska inuu yahay munaasabaddii ugu weynayd ee dalka ka dhacda tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979.
Maydka Khamenei ayaa sidoo kale la geyn doonaa magaalooyinka Karbala iyo Najaf ee Ciraaq, ka hor inta aan lagu aasin magaalada Mashhad ee dalka Iran.
Wiilka Khamenei iyo hoggaamiyaha cusub, Mojtaba Khamenei, ayaan la filayn inuu kasoo muuqdo munaasabadda, maadaama uu dhaawac culus ku soo gaaray weerarkii lagu dilay aabbihii.
Munaasabad gaar ah ayaa loo qaban doonaa madaxda iyo wufuudda shisheeye, iyadoo la filayo inay ka qeyb galaan wakiillo ka socda ku dhowaad 30 dal.
Socod ballaaran oo dhererkiisu gaarayo 10 kiiloomitir ayaa Isniinta ka dhici doona bartamaha Tehran, waxaana mas’uuliyiintu filayaan inay ka qeyb galaan malaayiin qof.
Sababo la xiriira ammaanka iyo ciriiriga, dowladda ayaa xirtay xafiisyada Tehran maalmo dhowr ah, waxayna dejisay qorsheyaal adag oo lagu maareynayo isu socodka dadka.
Aaska Khamenei ayaa ku soo beegmaya xilli Iran ay ku jirto xabbad-joojin ku meel gaar ah, iyadoo dowladda ay rajaynayso in munaasabaddu ay muujiso midnimada shacabka iyo xasilloonida hoggaanka cusub.

