Baghdad, Iraq – Ra’iisul wasaaraha Iraq Ali al-Zeidi oo ay wehlinayaan xubno kamid ah wasiiradiisa ayaa lagu wadaa maalinka barrito ah inay booqdaan caasimadda Iran ee Tehran, si looga wada hadlo iskaashiga gaaska iyo horumarka gobolka ka dib casuumaad rasmi ah oo ka timid madaxweynaha Iran, sida uu sheegay afhayeenka dowladda Iraq Haider al-Abudi Arbacada maanta ah.
Ajendaha wadahadallada laba geesoodka ah ee u dhexeeya Iraq iyo Iran ayaa waxaa kamid ah Faylka gaaska iyadoo la raacayo danaha qaranka Ciraaq, sida uu sheegay afhayeenka Iraq.
Afhayeenka Iraq Al Abudi ayaa sheegay in arrimaha ku saabsan xadidaada hubka dowladda kaliya lagaga hadli doon Baghdad isagoo ku nuuxnuuxsaday inay tahay arin gudaha Ciraaq ah oo aan lagaga hadli doonin caasimad kale oo ka baxsan dalka Iraq.
Iraq ayaa horay Mareykanka la saxiixatay heshiisyo isfaham unoqonaya badiilka wadooyinka dhoofinta gaaska, afhayeenka ayaa intaas ku daray in faylka biyaha uu kamid yahay ajendayaasha muhiimka ah ee ay kawada hadli doonaan ra’iisulwasaaraha Iraq iyo madaxweynaha Turkiga inta lagu guda jiro booqashada lafilayo in dabayaaqada bishan uu ku tago Ankara Ali Al – Zeidi.

