Wednesday, October 21, 2026

Dowladda Federaalka Oo Daah Furtay Istaraatijiyada Nafaqada Soomaaliya 

Share

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Istaraatiijiyadda Nafaqada ee Soomaaliya ee Dhinacyada Badan 2026, oo ah hannaan qaran oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo wax-ka-qabashada nafaqo-darrada, isla markaana lagu mideynayo dadaallada dowladda iyo bah-wadaagta.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Barnaamijka Scaling Up Nutrition (SUN) ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, WHO iyo FAO, iyo bah-wadaagta ka shaqeeya arrimaha nafaqada.

Barnaamijkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahdo xaalad nafaqo iyo cunno oo sii xumaanaysa. IPC ayaa qiyaastay in ku dhowaad 1.88 milyan oo carruur ah ay sannadka 2026 u baahan doonaan daaweyn nafaqo-darro ba’an, iyadoo loo baahan yahay in la ballaariyo adeegyada isku dhafan ee cuntada, caafimaadka, nafaqada iyo biyaha.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Cunnada, Nafaqada iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Wakiilka FAO ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay Mudane Maxamed Weli, oo ah masuul sare oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Wakiilka WHO, iyo Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali.
Istaraatiijiyadda ayaa xoogga saaraysa in nafaqada lagu wajaho si dhinacyo badan leh, iyadoo la isku xirayo caafimaadka, sugnaanta cuntada, biyaha iyo fayadhowrka, ilaalinta bulshada iyo wax-ka-qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

Barnaamijkan isku-dhafan ayaa horey uga mid ahaa jihada istaraatiijiyadda nafaqada ee Soomaaliya iyo habka SUN ee isku keenaya dowladda, bulshada rayidka ah iyo bah-wadaagta horumarinta.

Read more

Local News