Addis Ababa, Ethiopia – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa baarlamaanka dalkaas u doorteen inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee shanta sano ee soo socota.
Guusha ra’iisul wasaare Abiy ayaa timid kagadaal markii xisbiga uu ka tirsanyay ee Prosperity Party (PP) uu helay 512 kamid ah kuraasta baarlamaanka Itoobiya oo dhan 547, doorasho dhacday bishii June ee sanadkaan.
Ku dhawaaqista dib u doorashada Abiy ayaa noqoneynsa markii labaad oo xiriir ah oo uu joogo xafiiska tan iyo April 2018 ka.
Gudoomiyaha baarlamaanka Ahmed Shide ayaa kulan uu shir gudoomiyay kaga dhawaaqay dib u doorashada Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Itoobiya.
Dib u doorashada Abiy Ahmed ayaa ku soo aadeysa iyadoo 7 jabhadood oo ka jira ay sameysteen isbaheysi ka dhan ah dowladda Itoobiya 23ka bishii tagtay ee September, iyadoo dhanka kale jabhadda TPLF ee ka dagaalanta gudaha Itoobiya waqti xaadirkan dagaal adag kala soo horjeedo Itoobiya iyadoo gacanta ku dhigtay gacan ku haynta magaaladda Caasimadda u ah Gobolka Tigray ee Mekelle inkastoo dowladda Itoobiya dib u qabsatay.
Dib u doorashada ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa xilli isbadal balaaran uu ka jiro gudaha Geeska Afrika iyadoo magaaladda Alamein ee Waqooyiga dalka Masar ku shireen dalalka Soomaaliya, Masar, Sudan iyo Eritrea. Iyadoo dhanka kale ay xusid mudan tahay in Itoobiya dalkeeda ka ceyrisay safiirada dalalka Masar iyo Eritrea sababo la xiriira dagaalka ka aloolsan Waqooyiga dalka Itoobiya, halka Masar iyo Eritrea ay ka jawaab bixiyeen falka ay ku kacday Itoobiya.

