Monday, October 26, 2026

Madaxweynaha Iran Oo Moscow Kula Kulmaya Putin, Kana Qaybgalaya Shir Gaaska Dabiiciga ah

Share

Tehran, Iran – Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa la filayaa inuu Isniinta fiidkii u safro magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shir ay leeyihiin dalalka dhoofiya gaaska dabiiciga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tasnim ee Iran.

Pezeshkian ayaa Talaadada ka qaybgalaya shirka Madasha Dalalka Dhoofiya Gaaska (GECF), halkaas oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo. Inta uu ku sugan yahay Moscow, oo ah booqasho hal maalin ah, wuxuu sidoo kale kulamo laba geesood ah la yeelan karaa hoggaamiyeyaasha dalalka kale ee shirka ka qaybgalaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa Jimcihii sheegay in Pezeshkian iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ay toddobaadkan ku kulmi doonaan Moscow.

Araghchi ayaa qoraal uu ku daabacay barta Instagram-ka ku sheegay in kulanka labada madaxweyne uu daba socdo wadahadallo hore oo dhacay intii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, booqashada ku joogay Tehran 19-kii Oktoobar.

Wadahadallada ayaa la filayaa inay diiradda saaraan iskaashiga labada dal iyo xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamka. Madasha GECF waa urur ay ku mideysan yihiin dalalka waaweyn ee soo saara gaaska dabiiciga ah, waxaana ka mid ah Iran, Ruushka, Qatar iyo Aljeeriya.

Read more

Local News