Friday, November 13, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Share

Mogadishu, Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada Madaxweyne ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo in la ballaariyo wada-shaqeynta labada dal si loo gaaro danaha guud.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah xiriirka labada dal iyo dadaallada lagu horumarinayo danaha labada shacab.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh iyo Erdoğan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iyo ballaarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo danaha wadajirka ah ee labada shacab.

Read more

Local News