Sidoo kale, adeeggan ayaa u suuragelinaya dadka maqalka la’ inay si toos ah ula socdaan waxa ka dhacaya kulamada Golaha Shacabka, iyadoo turjubaano ku takhasusay luqadda dhagoolayaasha ay hadallada Xildhibaannada iyo doodaha Baarlamaanka ugu gudbinayaan luqadda calaamadaha.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka macluumaadka iyo ka-qaybgalka bulshada ee howlaha hay’adaha dowladda, gaar ahaan dadka qaba naafonimada maqalka oo mararka qaar ay caqabado ka hor istaagaan inay helaan xogta iyo adeegyada bulshada inteeda kale ay heli karto.
Ku soo kordhinta adeeggan ayaa sidoo kale muhiim u ah xaqiijinta in dadka maqalka la’ aysan ka harin xogta la xiriirta go’aannada sharci-dejinta, doodaha siyaasadeed iyo howlaha kale ee Golaha Shacabka.
Sikastaba, adeeggan cusub ayaa noqonaya tallaabo lagu horumarinayo helitaanka xogta Baarlamaanka, iyadoo dadka maqalka la’ loo suuragelinayo inay si toos ah ula socdaan howlaha hay’adda ugu weyn ee sharci-dejinta dalka.

