Wednesday, November 25, 2026

Dowladda Soomaaliya Oo Qorshaynaysa Abuurista 160,000 Oo Shaqo

Share

Mogadishu, Somalia – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka, oo sanadkan diiradda lagu saarayo u gudbidda dhaqaale nabadeed.

Sidoo kale, madasha oo ay soo qabanqaabisay Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxaa ka qaybgalaya dhaqaaleyahanno, ganacsato, mas’uuliyiin dowladeed iyo cilmi-baarayaal, kuwaas oo ka doodaya sidii dhaqaalaha Soomaaliya looga gudbin lahaa caqabadihii ka dhashay colaadaha, loona horumarin lahaa nidaam dhaqaale oo ku dhisan nabad iyo xasillooni.

Dhanka kale, khudbaddiisa furitaanka, ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse ku sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay ka gudubto dhaqamadii dhaqaale ee ka dhashay dagaalladii sokeeye, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka lala jaanqaado nidaamyada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tusaale u soo qaatay isbeddelka amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xukunka la wareegay ay magaalada ka jireen 65 isbaaro, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa halka ay Soomaaliya ka soo gudubtay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Soomaaliya ee 2060 ay saldhig u yihiin qorshayaasha horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intaas ku daray in qorshaha dowladda uu yahay abuurista 160,000 oo shaqo muddo gaaban gudaheed, isaga oo sheegay in ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dhaqaalaha xorta ahi ay door weyn ka qaadan doonaan hirgelinta qorshahaas. Dowladda ayuu sheegay inay xoogga saarayso abuurista jawi ku habboon maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Read more

Local News