Thursday, November 26, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Baydhabo

Share

Baydhabo, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha ayaa kormeerkiisa diiradda ku saaray u kuurgelidda xaaladda amni ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran, isagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amniga, howlaha ciidanka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu xoojinayo amniga, kor loogu qaadayo heeganka ciidanka, laguna xaqiijinayo nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed.

Read more

Local News