Friday, August 28, 2026

Xarunta ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka oo la dhagax-dhigay

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisaayo iskaa-wax-u qabso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego.

Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe.

Read more

Local News