MUQDISHO, Soomaaliya – Buuq badan ayaa ka dhashay hadal dhowaan jeediyay Xildhibaan Cumar Bashal oo ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.
Mudanaha oo ka hadlay shirwayne ay Muqdisho ku qabteen Madasha Maanshiil ayaa si weyn waxa uu u dhaliilay gudoomiye Aadan Madoobe.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayu uku eedeeyay in u uku fashilmay matalaada Koonfur Galbeed iyo fulinta heshiiskii Baydhabo ee la gaarey Febraayo, 2022.
Mr Balash oo caddeeyay in Aadan Madoobe aan looga hari doonin in uu ka dhuunto mas’uuliyadiisa fulinta heshiiskii ayaa ku goodiyay in ay mooshin xil ka qaadis ah.
Falcelinta xooggan ee ka dhalatay hadalka sharci-dejiyaha ayaa u badneyd mid dadka ku kala qeybsanaayeen. Hase ahaatee, waxaa jirta hal aragti oo mideysan.
Aragtida mideysan ayaa ah in dadka qaar ay lama filaan ku noqotay hadalka mudanaha maadaama uu kamid ahaa saaxiibada hogaanka xilku ka dhamadey.
Hase ahaatee, dhowr mudane uu Mr Balash kamid yahay waxa ay sheegeen in diidmadooda ka dhanka ah hogaaminta Laftagareen ay ku saleysan tahay hab-dhaqanka qalafsan uu Laftagareen lasoo shir-tagay.
Dhanka kale, xubnaha Madasha MAANSHIIL oo shalay Dhuusomareeb kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh ayaa wali ku adkeysanaya fulinta heshiiskii Febraayo iyo tagitaanka Baydhabo 5-ta Bishan October.
Laftagareen ayaa mudada uu xilka hayay waxa uu xukunka ku naas-nuujiyey qaar kamid ah xigtadiisa iyo qaraabadiisa isaga oo duusiyey qeybaha kale ee bulshadda.

