MUQDISHO – Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ayaa galabnimadii Arbacada maanta ah ay ku dhacday nawaaxiga magaaladda Marka, sidda ay sheegayaan warar laga helay illo wareedyo kala duwan.
Warar horudhac ah waxa ay sheegayaan in diyaaraddan ay ku dhacdey degaanka Ceel Huure oo qiyaastii 4 KM dhanka Koonfur Bari xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Hase ahaatee, lama ogga tiradda dadka saarnaa diyaaraddan iyo cidda iska lahayd. Sidoo. kale, lama caddeyn karo khasaaraha ka dhashay falkan.
Afhayeenka howlgalka ATMIS, Said Mwachinalo oo la hadlay Arlaadi Media, ayaa sheegay in diyaaradan aysan xiriir la lahayn howlgalkooda, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee la howlgala.
“Wixii fahfaahin kale oo dheeraad ah waan idinla soo wadaagi doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay: “Xogta aan hayno intaas ayay ku kooban tahay illaa haatan”.
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, kan gobolka Shabeellaha Hoose iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

