GAROWE, Puntland –Â Puntland ayaa dhexda ka gashay khilaaf siyaasadeed cusub kadib markii madaxtooyadda iyo gudoonka baarlamaanka ay isku-maan-dhaafeen qabashadda doorashadda soo aadan.
Is-mari-waaggan ayaa soo shaac-baxay markii madaxwayne Deni uu ku dhawaaqay in loo laabanayo coddeynta 66-da Xildhibaan isaga oo ka laabtey damaciisa doorashadda qof iyo codka.
Maalin kadib shaacinta Deni, baarlamaanka ayaa muddo xileedkiisa kororsadey hal sano waxaana ay sheegeen in ay ayaga soo dhisayaan xukuumad cusub kadibna la aadayo doorashadda baarlamaanka.
Hase ahaatee, waxaa arrinkan ka hor-yimid Maxkamadda Dastuuriga ah taasoo sheegtay in ay sharci darro tahay muddo kororsiga baarlamaanka loona baahan yahay in doorashadda lawada aado.
Mudaneyaasha Puntland oo maanta ku shiray xaruntooda Garowe ayaa kulankooda uu hareeyay buuq iyaga oo u kala qeybsamay labada dood ee waqti-xaadirkan miiska saaran.
Haddii markii hore khilaafka uu ka taagnaa qabashadda doorashadda dadban, haddana waxaa muuqanaysa in Xildhibaanadda ay jeclaysanayaan in ay kursiga kusii fadhiyaan.
Tani ayaa laga cabsi qabaa in ay sii daba-dheereyso khilaafka iyo daahitaanka doorashadda isla markaana ay dhabaha u xaarto muddo kororsi dadban oo ay helaan dhamaan hogaamiyeyaasha hadda xilka haya.

