GAROWE –Â Shir u dhaxeeya madaxdii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaanka Puntland ayaa ka furmay magaalada Garowe.
Kulankan saddex geesoodka ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaalada dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan dastuurka iyo qaabkii dhameystiri lahaa.
Shariif iyo Farmaajo oo todobaadkii hore ka degay magaalada Garowe ayaa waxaa kulankan ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Illo ku dhow kulankan ayaa u sheegay Arlaadi Media Network in madaxdan ay kawada tashanayaan talaabooyinka xiga oo ay qaadayaan haddii la ansixiyo dastuur aan heshiis lagu ahayn.
Sikastaba ha ahaatee, natiijo kasta oo kasoo baxda shirkan saddex geesoodka ah ayaa waxa ay saameyn xooggan ku yeelan doontaa jihada ay qabaneyso siyaasadda Soomaaliya.

