Friday, August 28, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay wafdi ka socda Shiinaha

Share

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.

Read more

Local News