Thursday, August 27, 2026

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal xoogan oo dib uga qarxay bariga gobolka Mudug

Share

Mudug – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Beelaha Sacad iyo Leelkase oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay ka socda deegaanno katirsan gobolka Mudug oo muddooyinkii lasoo dhaafay isku hor fadhiyeen labada dhinac.

Sida wararka sheegayaan dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada beel ayaa saakay aroortii ka qaraxy deegaannada miyiga gobolka Mudug kuyaalla, dagaalka ayaana la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale, Waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana aagga dagaalka ka socdo gaaraya ciidamo gurmad ah oo labada dhinac kala gaaraya.

Dhanka kale, dagaalka u dhaxeeya labada beel ee dagaalka saakay u dhaxeeyo ayaa marar badan soo noq noqday, waxaana fashilmay heshiisyo dhowr ah iyo xalal horey looga gaaray colaada labada beel u dhaxeeya.

Read more

Local News