Thursday, August 27, 2026

Axmed Madoobe oo ku laabtey Kismaayo kahor socdaalka Xasan Sheekh

Share

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay dib ugu  laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Nairobi, halkaas oo uu kulamo siyaasadeed kula soo qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Imaanshiyaha Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isna uu gaaro magaalada Kismaayo, si uu kulan wada-hadal ah ula yeesho hoggaamiyaha Jubbaland, kadib khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaystay maalmihii u dambeeyay.

Labadan madaxweyne ayaa horey maxkamad uga kala gudbiyey dacwad, kaddib markii ay isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. arrintaas oo muujineysa sida uu u qoto dheeryahay is-mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan Kismaayo ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu ogaan doono halka ay salka ku hayaan khilaafaadka siyaasadeed ee labada dhinac.

Read more

Local News