Tangier, Marooko- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dakadda Tanger Med, oo ah marsada ugu wayn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dakadaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.
Dakadda Tanger Med, ayaa si istaraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.
Intii uu ku sugna Dakadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dakadda Tanger Med, Mehdi Tazi Riffi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dakadaha, fududaynta ganacsiga, iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabayaasha muhiimka u’ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.
Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dakadaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dakadaha Muqdisho iyo Barbara, Xukuumadda DanQaranna, ayaa casriyeyn ku waddo dakadaha qaar, halka kuwa cusub oo waawayna ay qorshaha ku jiraan.

