War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in la xiray 12 qof oo ajaanib ah oo ay ku jiraan 5 qof oo Soomaali ah isla markaana ay ku wareejiyeen Laanta socdaalka ee ICE oo haatan xabsi ku haysa.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, waxa uu si toos ah u billowday 1dii Bishaan December, waxaa socda howlgallo kale oo weli lagu raadjoogo dad kale sida lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gudaha Maraykanka.
War hordhac ah oo laga soosaaray Dadkaan la qabtay ayaa lagu sheegay in ay kamid ahaayeen Soomaalidii kasoo boodday gidaarka ee sida tahriibka ah u gashay Dalka Maraykanka sida lagu xusay bayaankaan sida hordhaca ah loo shaaciyay.
Talaabadan ayaa ku soo aadayso ayada oo maalmihii u dambeeyey Madaxweynaha Mareykan uu si aad ah dhaliilo ugu jeeedinaayey dalka iyo dadka soomaliyeedba si gaar ah soomalida ku nool dalka mareykanka.

