Thursday, August 27, 2026

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Qatar

Share

Muqdisho, Soomaaliya- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha saameeyey 4.4 Milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ,iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ka taageerto Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo si gaar ah arrimaha bani aadanimada oo ay ku jirto gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee dadkeena saameeyey , isaga oo xusay in Qatar ay weligeed u ahayd Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.
Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi ayaa xusay in dowladda Qatar ay sii wadeyso taageerada iyo garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyada oo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani aadanimo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada wada shaqeyn ballaaran oo ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah ay gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.

Read more

Local News