Pyongyang North Korea-Waqooyiga Kuuriya ayaa gantaalo isdaba joog ah ku tijaabisay xeebaha Bari ee badda, kadib booqashadii uu madaxweynaha Koofurta Kuuriya kutagay Beijing China halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jin Ping waxkayar laba bilood booqashadii labaad ee uu kutagayo Shiinaha.
Milatariga Koofurta kuuriya ayaa kuwaramay in gantaalada Kuuriya ay kudheceen badda subaxnimadii saaka abaara 07:50 AM, gantaalada ayaa jaray 900 km2 sida ay kuwarameen milatariga dalka Koofurta Kuuriya.
Qoraal kasoo baxay ciidanka Maraykanka ee kahowlgala Asia Pacific inaysan gantaalada ay riday Kuuriyada Waqooyi aysan khatar degdeg ah ku ahayn shaqaalaha Maraykanka iyo xulufadiisa.
Japan ayaa iyaduna warisay in laba kamid ah gantaalada ay gaareen 900 km.
Wasiirka difaaca Japan oo kahadlay gantaalada ay Kuuriyada Waqooyi kutuurtay badda ayaa yiri “Nucliyeerka iyo gantaalada sii hormaraya ee Kuuriyada Waqooyi waxay khatar kuyihiin nabada iyo xasiloonida dalkeena iyo bulshada caalamiga ah mana aha wax loo dulqaadankaro”.
Warbaahinta kuhadasha afka dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas Kim Jong Un uu sheegay in lalaba laabay waxsoosaarka iyo awooda hubka wax haga, isagoo booqday warshad soosarta hubka.
Todobaadyadii udambeeyay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa booqanayay dhowr warshadood kuwaa oo soo saara hubka isagoo sidoo kale kormeeray Markab nuuca gujiska ah oo kushaqeeya awooda nukliyeerka, kahor shirweynaha sagaalaad ee xibiga shaqaalaha kaas oo lagu wado inuu qabsoomo dabayaaqada sanadkaan sidoo kalna lagu dajiyo yoolal siyaasadeed muhiim u’ah dalka Waqooyiga Kuuriya.

