Thursday, August 27, 2026

Shirqool Ladoonayay In Lagu Qaarijiyo Hogaamiyaha Burkina Faso Oo Fashilmay.

Share

Ouagadou, Burkina Faso- Shirqool Ladoonayey in lagu qaarajiyo hogaamiyaha Burkina Faso Captain Ibrahim Taraore ayaa lafashiliyay sida ay kuwarantay dowladda Galbeedka Afrika.

Qorshaha ladoonayay in lagu qaarajiyo captain Taraore ayaa waxaa qorshihiisa lahaa sarkaal milatari oo uu horay xilka uga qaaday bishii September 2022 ka, sarkaalka ayaa lagu magacaabaa Lt Col Paul Henri Damiba, sida uu sheegay wasiirka amniga oo xalay baahiyay warka kusaabsan afgambiga fashilmay.

Wasiirka amniga Burkina Faso oo kahadlaya afgambiga fashilmay ayaa yiri “Afgambiga waxaa laga soo abaabulay dalka Ivory coast  oo daris la ah dalkeena, ciidankeena sirdoonka ayaana fashiliyay howlgalkaan saacadihii udambeeyay, waxay qorsheeyeen inay dilaan madax katirsan dowladda kadibna ay weeraraan xarumo kale oo muhiim ah iyo shakhsiyaad rayid ah”.

Sida uu sheegay wasiirka amniga Burkina Faso masuuliyiinta ayaa soo bandhigay muuqaal sir ah oo muujinaya dadka shirqoolka sameynaya oo kadoodaya sidii uu kufuli lahaa qorshahooda.

Majirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxday labada dhinac ee lagu eedeynayo inay kulugleeyihiin afgambiga waa dowlada Ivory Coast iyo sarkaalka Gaashaanle sare ah ee Lt Col Paul Henri Damiba.

Kooxda Afgambiga lagu eedeynayo ayaa qorsheeyay howlgal ay kubartilmaameedsanayaan saraakiil milatari iyo dad rayid ah

Hogaamiyaha Burkina Faso Captain Ibrahim Taraore ayaa tan iyo intii uu xukunka dalkaas lawareegay wajahay ugu laba isku day afgambi iyo sidoo kale rabshadaha sii kordhaya ee jihaadiyiinta ee kuqasbay in malaayiin qof ay guryahooda cararaan.

Hogaamiyha milatariga ah ee Captain Traore ayaa marka laga soo tago kaligiis talisnimadiisa waxa uu haystaa taageero xoogan oo qaarada Afrika ah, hogaamiye Traore ayaa aaminsan aragtida Pan Africanism ka iyo dhaleeceyno kadhan ah ah saameynta reer Galbeedka.

Col Paul Henri Damiba ayaa lagu eedeeyay abaabulka askar iyo taageeryaal rayid ah isagoo helay £92,000 oo udhiganta 125,000$ oo laga soo daabulay dalka Ivory Coast taas oo loogu talagalay in lagu burburiyo saldhiga diyaardaha aan duuliyaha laheyn ee drone ta ah.

Wasiirka amniga Burkina Faso oo kahadlay telefeshinka dalkaas ayaa sheegay inay xireen dhowr shakhsi ayna socoto baaris, dhawaana lahor keeni doono maxkamad.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidamada Burkina Faso farta ku fiiqaan faragalinta shisheeye ee kaga imaanaysa Ivory Coast.

Read more

Local News