Thursday, October 22, 2026

Ismaaciil Buubaa: Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo dhintey

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiya.

“Waxaan Allah uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ugu soo adeeggay dalkeenna,wuxuu kaalin mugleh ka soo qaatay midnimada, dowlad-dhiska iyo isku haynta ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ismaaciil Buubaa ayaa dawladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Read more

Local News