RIYADH, Saudi Arabia – In ka badan laba milyan oo xujay ah ayaa maanta oo Salaasa ah taagnaan doona buurta Carafa, si ay u gutaan rukniga ugu weyn arkaanta xajka.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay, in xajka sannadkan ay ka qeybgali doonaan ku dhawaad laba milyan iyo badh, taas oo noqon doonta tiradii ugu badneyd oo Muslimiin ah oo abid u soo xajisa xajka.
Xajku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana dhammaan dadka Muslimiinta ah looga baahan yahay inay soo gutaan waajibaadka xajka ee shanta maalmood ah ugu yaraan hal mar noloshooda haddii ay awood u leeyihiin inay gutaan waajibaadka xajka.
Sanadkii 2019-ka, in ka badan 2.4 milyan oo xujey ayaa ka qeyb galay xajka.
Sanadka 2020-ka, iyada oo ay jirto xiritaannada coronavirus-ka adduunka oo dhan, Sacuudi Carabiya waxa ay xujayda ku koobtay dhowr kun oo muwaadiniin iyo dadka degaanka ah.
Sannadkii kasii horeeyay, in ka yar 900,000 ayaa ka soo qayb galay iyada oo Sucuudigu oggolaaday tiro xaddidan oo xujey ah oo dibadda ka yimid.
