Home DIBADDA Dilka wiilka madiga ahaa ee qalalaasaha geliyey Faransiiska geliyey

Dilka wiilka madiga ahaa ee qalalaasaha geliyey Faransiiska geliyey

0

PARIS, France – Isu-soo-baxyo ayaa maalintii afaraad ka soconaya magaalooyin waaweyn oo ku yaalla Faransiiska. Mudaaharaadyadan ayaa qarxay kadib markii booliska dalkan ay toogasho ku dileen 17-jir Carab ah.

Wiilkan oo lagu magacaabo Nahel ayaa ahaa darawal aan ruqsad haysan oo ku shaqeysta kaxeynta baabuurta. Muuqaal laga duubay booliska oo tooganaya wiilkan yar ayaa gilgilay internet-ka waxaana uu sababay carro.

Nahel oo ahaa wiilka kaliya ee hooyadiisa u shaqeynayey ayaa meel dhexe uga haray waxbarashadda. Dibad-baxyadda ka qarxay dilka wiilkan yar ayaa isku-rogay rabshado lagu bilaliqeystey xarumo ganacsi.

Booliska Faransiiska ayaa toogashada ninkan waxa ay ku sababeeyeen in uu diidey amar ahaan in uu istaago. Wasaaradda amniga Faransiiska ayaa intaas ku daray in ku dhowaad 1,000 qof lagu xiray banaanbaxyadda.

Qulqulatooyinkan ayaa dad badan soo xasuusiyey rabshadihii 2005-kii ee ka dhashay dilka labo wiil dhalinyaro ah.

Wiilashaas ayaa koronto ay ku qabteen booliska xilli ay doonayeen in ay baxsadaan markii ay kasoo baxeen garoon kubada cagta ah. Faransiiska ayaa kamid ah wadamadda qaaradda Yurub ee xasilooni daradda ugu badan sanadihii u dambeeyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version