Thursday, October 22, 2026

Axmed Madoobe iyo taliyaha sirdoonka Kenya oo ku kulmay Kismaayo

Share

KISMAAYO, Jubaland – Waxaa maanta magaalada kismaayo ee xarunta KMG Jubaland tagay wafdi ka socda sirdoonka dalka Kenya iyagoo kulan gaar ahna la qaatay madaxwayne Axmed Maxamed Islaam.

Wafdiga ka socday sirdoonka Kenya ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha nabadsugida iyo sirdoonka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yusuf Haji.

Illo wareedyo ayaa Arlaadi Media u xaqiijiyey in wadahadaladda looga doodey iskaashi dhanka ammaanka ah iyo diyaar-garowga wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo Nuuradiin uu tago Kismaayo tan iyo markii la magacaabay. Safarkan waxa uu imaanayaa xilli Waqooyi Bari Kenya ay ku bateen weeraradda Al-Shabaab.

Weeraraddan oo u badnaa qaraxyo miino ayaa sababay dhimashadda iyo dhaawac askar iyo dad shacab ah. Kenya ayaa kamid ah dalalka ciidanka ku tabarucay howlgalka ATMIS.

Lama ogga qorshaha xiga goona booqashada Taliyaha nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya Nuuradiin Maxamed Yusuf Haji uu ku tagay magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

Ciidamadda Kenya ayaa soo galay Soomaaliya sanadkii 2011-kii. Madaxwayne William Ruto waxa uu dhowaan sheegay in bixitaankooda laga yaabo in ay dib u dhacdo.

Read more

Local News