Home DIBADDA Dowladda Suuriya oo ruqsadda kala laabatay warbaahinta BBC-da

Dowladda Suuriya oo ruqsadda kala laabatay warbaahinta BBC-da

0

DIMISHIQ, Syria – Dowladda Suuriya ayaa ruqsadda warbaahinta kala laabatay BBC-da sababo la xiriira waxa ay ugu yeertay “warbixinno marin-habaabin ah”.

Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Dimishiq ayaa sheegtay in warbaahintan laga leeyahay UK ay ku guuldareystey inay u hoggaansamaan “xeerka xirfadda”.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii barnaamij ay dhowaan sii deysay BBC-da uu qoyska madaxwayne Bashaar Al-Asad la xiriiriyey ka ganacsiga mukhaadaraad.

Dhinaca kale, BBC-da oo ka jawaabtey eedeynta dowladda Carbeed ayaa waxay ku adkeystay in wariyeyaasheeda ay ku shaqeeyaan si madax-bannaan oo dhexdhexaad ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version