Home DIBADDA Dad ay ku jiraan muhaajiriin Soomaali ah oo lasoo badbaadiyey

Dad ay ku jiraan muhaajiriin Soomaali ah oo lasoo badbaadiyey

0

MADRID, Spain – Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa soo badbaadiyay 86 qof oo la socday dooni siday dad tahriibayaal ah oo la la’aa in ka badan muddo todobaad ka hor.

DOontan ayaa la sheegay in ay 70 nautical miles (130km) koonfur-galbeed kaga beeganeyd Jasiiradda Canary, waxaana la socday dad ka yimid dalalka Afrika oo Soomaaliya ku jirto.

Ilaalada xeebaha Spain ayaa waxaa lagu waramay in ay gacan ka heleen markab wadday konteenaro. Labada gaadiid badeed waxay hadda ku wajahan yihiin jasiiradda Gran Canaria.

Warkan ayaa yimid todobaadyo uun kadib markii doon si xad dhaaf ah loo raray ay degtay xeebaha Giriiga, taas oo sababtey geeridii ugu xumayd ee ka dhacdey badda Mediterranean-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version