Home DIBADDA Dad badan oo ku dhintey roob mahiigaan ah oo ka da’ay Afghanistan

Dad badan oo ku dhintey roob mahiigaan ah oo ka da’ay Afghanistan

0

KABUL, Afghanistan – 31 qof ayaa geeriyootay 40 kalena waa la la’yahay kadib markii daadad ay ku rogmadeen bartamaha Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Masiibooyinka wadankaasi, Shafiiculaahi Raxiimi ayaa sheegay in dadka geeriyooda 28 kamid ah ay gobalada dhexe ee dalkaasi ku le’deen.

Roobab mahiigaan ah oo dalkaasi ka da’ayay tan iyo jimcihii lasoo dhaafay ayaa keenay daadka.

Dalka Afghanistan oo haatan intiisa badan ay kooxda Daalibaan ka arimiso ayaa waxaa hoos u dhacay adeegyadii Guud iyadoo aysan helin gurmadyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version