NAIROBI, Kenya – Ciidamada qalabka sida ee Kenya (KDF) ayaa ka saaray haweenka in ay qeyb ka noqdaan ciidamo cusub oo la qorayo, sida ay sheegayaan wararka gudaha.
Talaabadan oo ka taagan ismaamulka Lamu ayaa loo aaneeyay in ay jiraan tiro ku filan oo dumar ah kuwaas oo kamid ah ciidamadda isla markaana aan loo baahneyn hadda.
Qaar kmaid ah dadka uu saameeyay go’aankan ayaa kasoo safray degaano fog-fog waxaana ay haatan dalbanayaan in dib loogu celiyo kharashaadka kasoo baxay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo haweenka laga saaro nidaamkan qorista ciidamadda qalabka sida ee Kenya iyadoo shilalkan oo kale ay dhaceen sanadihii 2017 iyo 2018.
