NAIROBI, Kenya – Muuqaalka cajiibka ah ayaa lagu duubay kamirada GoPro oo uu lahaa Axmed Galaal oo 38 jir ah kasoo u dhashay dalka Masar balse ku sugnaa dalka Kenya
Axmed oo ku sugnaa keen ayaa arkay libaaxa oo kaligiis socda, wuxuuna u arkey inay tahay mid fursad fiican oo u noqon karta inuu helo muuqaalo libaax.
Libaax ayaa halmar waxa uu si lama filaan ah u dafay kaamiradda taas oo xaalad naxdin leh ku abuurtey mulkiilaha kaamiradda oo ah Axmed.
Kadib markii ay u gacan-gashay libaaxa, Kamerada GoPro-da ayaa sii waday duubista. Hase ahaatee, nasiib wanaag, waxa ay dhacdey intii uu libaaxu ordayay.
“Waan cerysanay taas ayaa naga saaciday in uu tuuro kaamirada,” ayuu Axmed u sheegay saxaafadda.
Markii dib loosoo helay kaamiradda lana fiiriyey muuqaaladda ay duubtey, waxaa aad loola yaabay muuqaaladda libaaxu iska-duubay isaga oo ahaa kuwa cajiib ah.
