Friday, August 28, 2026

Garowe oo martigelinaysa shir saddex geesood ka dhan ah Villa Soomaaliya

Share

MUQDISHO – Caasimada maamulka Puntland ee Garowe ayaa maalmaha soo aadan waxa ay marti-gelin doontaa shir saddex geesood ah oo ay kawada qeybgalayaan Madaxweyneyaasha Saciid Cabdullaahi Deni, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif iyo Farmaajo ayaa shalay iyo maanta waxa ay kala gaareen Garowe iyadda oo uu garoonka si heer sarre ah uu ugu soo dhaweeyay Saciid Cabdullaahi Deni.

Saddexda mas’uul ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan shirar gaar ah kuras oo ay ku lafa-gurayaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan dhameystirka Dastuurka oo ay wade Villa Soomaaliya.

Arlaadi Media Network ayaa fahansan in Deni, Shariif iyo Farmaajo ay isla meeldhigi doonan qorshe ay haga hortagayaan mashruucaan iyo talaabooyinka ay qaadayaan haddii la meelmariyo Dastuur aanan heshiis lagu ahayn.

Sikastaba, todobaadka soo aadan waxaa si weyn isha loogu hayn doonaa magaaladda Garowe iyo natiijadda kasoo bixi doonta shirkan saddex geesoodka ah maadaama wax kasta oo kasoo baxa uu saameyn xoogan ku yeelanayo jihada siyaasadda dalka.

Read more

Local News