Home Federaalka Puntland oo shaacisay in ay qabatay mid kamid ah raggii afduubtay markabka...

Puntland oo shaacisay in ay qabatay mid kamid ah raggii afduubtay markabka MV Abdullah

0

MUQDISHO – Laamaha ammaanka Puntland ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii afduubtay Markabkii MV Abdullah ee laga leeyahay dalka Bangladesh.

Eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa lagu qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Markabka MV Abdullah ayaa marka la afduubanayay waxa uu dalka Mozambique kasoo qaaday dhuxul isaga oo kusii jeeday waddanka Imaaraadka Carabta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version