MUQDISHO – Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.
Laftagareen ayaa Muqdisho la yimid ilaalo gaar ah kuwaasoo ka badan intii horey loogu yaqaanay.waxaan arrinkaas ay hadal badan ka dhalisay guud ahaan baraha bulshadda.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jira Dalka
Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey.
Sikastaba ha ahaatee, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa diiradda saaraya arrimaha masiiriga ah ee dalka gaar ahaan doorashooyinka waxaana laga war-sugayaa qodobada kasoo bixi doona kulankan. 