Wednesday, August 26, 2026

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo is-dhaafsaday warar siyaasadeed iska-hor-imaanaya

Share

MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afar doonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa Jubaland ay ku biireen askarta ay geysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.

Muuqaal uu faafiyay telefishinka dowladda federaalka ayaa muujinaya doonyahan oo ay soo dhaweynayaan ciidamadda iyaga oo ku qaylinayao erayo kala duwan.

Ma jirto illo wareedyo si madax-banaan u xaqiijin kara sheegashadda dowladda federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, oo la hadlay Arlaadi Media ayaa beeniyay in doonyaha ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Jubaland.

Warkan wuxuu imaanayaa maalmo kadib markii madaxwayne Axmed Madoobe uu 15-maalmood u qabtey in lagu soo celiyo ciidamada la geeyay Raaskambooni.

Tan iyo markii ay qaraxdey xiisada Jubaland iyo dowlada federaalka, waxaa sii xoogeysanayay wararka iska-soo-horjeeda oo labada dhinac ay la wadaagayeen dadweynaha.

Jubaland ayaa dhankeeda waxay shalay faafisay in ciidamada la geeyay Raaskambooni ay bilaabeen kufsi iyo dhac. Balse, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta eedeyntaas.

Hadaba, hadalada iyo wararka u muuqda dacaayada ee labada dhinac ay hawada isku-marinayaan ma laga yabaa in ay xiisada u badalaan gacan ka hadal uu dhiig badan ku daato?

Read more

Local News