Wednesday, August 26, 2026

Soomaaliya oo sheegtay inuusan isbedelin mowqifkeeda is-fahamkii Itoobiya

Share

MUQDISHO – Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa caddeeyay in uusan waxba iska badalin mowqifka dowladda federaalka de is-fahamkii Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka danjiraha

Soomaaliya way soo dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhamaan isku-dayadii agu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya.

Read more

Local News