HARGEYSA, Somaliland –Â Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Dawlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha Somaliland u fidisay marti qaad rasmi sidoo kalena u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.
Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay.
Ciro waxaa waftigiisa ku wehelinaayey; Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha Iyo Hawl wadeeno kale .
Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta .

