Home SOMALILAND Madaxweynaha Somaliland oo booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta

0

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Dawlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha Somaliland u fidisay marti qaad rasmi sidoo kalena u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonaya  safarkii  ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay.

Ciro waxaa waftigiisa ku wehelinaayey; Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada ,  Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha  Iyo Hawl wadeeno kale .

Muddada uu Madaxweynuhu  booqashada rasmiga ah ku joogo  dalka Imaraadka Carabta  waxuu  kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version