BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Wararka ka imaanaya degmadda BuurHakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal uu halkaas ku dhexmaray ciidamadda dowladda Koonfur Galbeed iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Sidda illo wareedyo degaanka ah u sheegeen Arlaadi Media, dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay soo weerareen fariisin ciidamo ku lahaayeen meel 8 kilimitir u jirta bartamaha degmada BuurHakaba.
Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labada dhinac. Dhanka ciidamadda, waxaa la warinayaa in dadka dhintay uu kamid yahay sarkaal sarre.
Abaanduulihii Ciidamadda Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cusmaan Xaaji Mursal Karaabiin, ayaa la xaqiijiyay inuu kamid noqdey dadka ku nafwaayay weerarka gaadmada ah.
Illaa hataan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda ee BuurHakaba iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku wajahan isku-dhacan.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan degmadda BuurHakaba laga daahfuray garoon diyaaradeed oo ay dhisteen dadka degaanka isla markaana uu si rasmi ah xariga uga jaray madaxwayne Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

