MUQDISHO, Soomaaliya – Warsaxaafadeed ay soo soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu hadashay dagaalka ciidanka dowladda iyo Mucaaradka ku dhexmaray Muqdisho.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.”
Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay “in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan Ciidamada Qalabka Sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.”.
“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka.” ayaa markale lagu yiri qoraalka
Hoos ka Akhriso.
